Sababta uu maalqabeen kaga haray tartanka xil ra'iisul wasaarenimo

Image

BEIRUT, Lebanon – Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Ganacsiga Lebanon, maal-qabeen Maxamed Safadi, ayaa wuxuu ka haray tartanka ra'iisul wasaarenimo ee dalkaas, sidda ay wararku sheegayaan.

War-saxaafadeed uu soo saarey ayuu ku sheegay in uu arkay "caqabado khatar ah" oo ku geedaaman dhismaha dowlad cusub maadaama uu is-casilay wasiirkii koowaad ee Golaha Wasiirada dalkaas.

Safadi oo 75-sano jir ah ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha is-casilay ee Sacad Xiriir uu ku fekerayo in uu mar kale qabto.

Xiriiri ayaa 29-ka bishii October si lama filaan ah isku casilay kadib mudaaharaad ka bilowday canshuur lagu soo rogay adeegsiga aalada WhatsApp-ka, Gaaska cunada lagu karsado iyo maciishada.

Illo wareedyo warbaahineed ayaa xaqiijiyey in Safadi ay taageersan yihiin saddex kamid ah isbaheysiyada waaweyn.

Siyaasiga baratanka isaga haray kaasoo xubin ka tirsan baarlamaanka soo ahaa ayaa Wasiirka Maaliyadda ahaa intii u dhaxeysay 2011 illaa iyo 2014, gaar ahaan xukuumadii ra'iisul wasaare Najib Mikati.

Talaabadan uu qaadey Safadi oo hadalheyn badan keentay ayaa la sheegayaa in ay wax badan ka bedeli doonto loolanka loogu jiro xilka ra’iisul wasaaraha maadaama uu ku jiray ragga ugu cad-cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM