Sababta uu Vladimir Putin u diidey in uu yeesho telefoonka gacanta

Image

MOSCOW, Russia – Madaxweyne Vladimir Putin oo u waramay wakaaladda wararka u faafisa dowladdiisa ee TASS ayaa mar kale ka jawaabay hadalheyn xoogan oo isaga ku saabsan.

Ugu horeyn, Putin oo 67-sano jir ah ayaa wuxuu daaha ka rogay in uusan lahayn telefoon gacanta ah.

Hogaamiyahaan ayaa ku adkeystay in uu kaliya isticmaalo telefoonka rasmiga ah ee dowladda, kaasna uu ka waco kaliya lamberadda uu isagu doonayo in uu wada-sheekeysi la yeesho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Putin uu qirto in uu ka caagan yahay telefoonka caaqilka ee dunida haysta.

Munaasabado kala duwan ayuu ka caddeeyay in go'aankaas uu yahay mid isaga u shaqsi ahaan gaarey.

Kadib cadaadis kaga yimid dadweynaha, sanadkii 2010-kii ayuu sababta ku sheegay "in waqti walba lasoo wacaayo".

Ugu dambeyntii, Putin oo uu damac kaga jiro in uu xafiiska sii joogo ayaa qashinka ku daray sheegashooyinka ku saabsan in uu isticmaalo maas-karo marka ay timaado arrimaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM