Sacuudiga: Muwaadiniinta Yahuuda masoo booqan karaan dalkeena

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya ayaa si cad u shaaciyey in Israa'iiliyiinta aysan soo booqan karin Boqortooyadda.

Talaabadan ayaa kusoo aadaysa iyaddoo maamulka Yahuuda uu ku dhawaaqay in muwaadiniintiisa uu u fasaxay in ay tagaan Sacuudiga.

"Siyaasadeenu waa mid jaan-go'an. Annaga wax xiriir ah lama lihin Dowladda Israa'iil, sidaasi awgeed, dadka haysta Baasaboorka Yahuuda masoo booqan karaan Boqortooyadda," ayuu yiri Faysal bin Farxaan.

Hadalkan waxaa wasiirka kasoo xigtay Talafishinka Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo CNN, kaasoo wareysi uu siiyey.

Axadii, wasaarada arrimaha gudaha Yahuuda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaas ay Sacuudiga u tagi karaan Xajka iyo arrimo ganacsi ama kulamo ay ku leeyihiin.

"Marka heshiis nabadeed laga dhex-yag-leelo Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta, waxaan aaminsanahay in arrinta ku saabsan in Yahuuda dhex-galaan gobolka ay miiska soo saarmi doonto," ayuu daboolka ka qaadey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii isagoo ku sugan Aqalka Cad daaha ka rogay in ay soo bandhigi doonan Talaadada maanta ah qorshaha Nabada Bariga Dhexe, kaasoo muddo badan dib-u-dhigis lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM