Sacuudi Carabiya oo amar dul-dhigay Xujeyda sanadka 2021

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay "dadka tallaalan" oo keliya ay heli doonan rukhsad ay oogaan salaadda iyo cumrada Masjidka weyn ee Maka.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa Isniintii tibaaxay in kaliya dadka laga tallaalay COVID-19 loo oggolaan doono inay gutaan acmaasha sanadka oo dhan, laga bilaabo bisha barakeysan ee Ramadaan.

"Kuwaas waxaa ka mid ah shakhsiyaadka helay laba goojo oo ah tallaalka COVID-19, kuwa helay hal goojo oo tallaal ah ugu yaraan 14 maalmood ka hor gudashada xajka, ama qof ka bogsaday fayraska," ayay wasaaraddu tiri.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wasaaradda ay kordhinayso awoodda hawlgalka ee masjidka barakaysan iyadoo la raacayo tallaabooyinka iyo xaddidaadda COVID-19.

Waxa kale oo aan caddayn in siyaasaddan, oo imanaysa iyada oo ay kor u kacday heerka faafitaanka coronavirus ee Sacuudi Carabiya, in loo kordhin doono Xajka dabayaaqada sanadkan.

Sacuudi Carabiya waxay soo tabisay in ka badan 393,000 oo kiisas oo safmareenka Coronavirus iyo in ka badan 6,700 oo u dhintey fayruska guud ahaan waddanka.

Wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada ayaa shaaca ka dhigtey in ay maamushay in ka badan shan milyan oo tallaalka coronavirus, wallow dadka Sacuudiga ay yihiin ka badan badan 34 milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM