Sacuudiga oo dharbaaxo kala kulmay xubinimada gole hoostaga UN-ka

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga ayaa ku fashilmay doonistiisa in uu xubin ka noqdo Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay xilli Shiinaha, Ruushka iyo Cuba ay hantiyeen kurastii ay u sharax-naayeen.

Coddeynta oo qabsoontay Talaadadii ayaa waxay ka careysiisay qaar kamid ah difaacayaasha Xuquuqda Bini'aadanimada ee caalamka oo dil.

Wadamada guuleystay ayaa muddo xileedkooda wuxuusi rasmiya u bilaabanayaa 1-da bisha Janaayo ee sanadka nagu soo fool leh ee 2021-ka.

Ruushka iyo Cuba ayaysan jirin cid la tartantay. Balse, Sacuudiga iyo China waxay la baratameen dowladdaha Pakistan, Uzbekistan iyo Nepal.

Pakistan ayaa heshay 169 cod, Uzbekistan 164, Nepal 150, China 139 iyo Sacuudiga oo kaalinta ugu hooseysa galay wuxuu helay 90 cod.

Shan iyo tobban dal cusub ayaa la doortey Talaadadii. Si guud, wuxuu golahaa oo difaaca xuquuqda bini'aadamka uu ka kooban afar iyo todoba.

Hay'adda Human Rights Watch ayaa ku sifeysay Sacuudiga iyo Shiinaha "labada waddan ee xadgudubka ugu balaaran ka geystay aduunka".

Sidoo kale, hay'addan fadhigeedu yahay New York ayaa farta ku fiiqdey dambiyo dagaal oo Moscow ay ka sameysay gudaha waddanka Suuriya.

Xeeldheereyaasha ayaa su'aal gelinaya qaar kamid ah wadamada guuleystay, iyagoo cuskanaya rikoorkooda xadgudubyadda dhanka shacabka.

Guuldarada soo gaartay xukuumadda Riyadh ayaa la aaminsan yahay in ay daaha ka rogeysa sidda sumcadda Sacuudi Carabiya ee dhanka caalamka ay sanadihii uu dambeeyay hoos u dhac weyn ay u soo wajahadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM