Sacuudiga oo dil la raba "dadkii dilay Khaashuqji"

Image

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada,l iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.

VOA

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM