Sacuudiga oo duqeyn ka fuliyey Sanca kadib qaraxyo culus

Image

SANCA, Yemen - Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen kula dagaalamaya falaagada Xuutiyiinta ayaa duqeyn ka fuliyey caasimada Sanca wax yar kadib qaraxyadii ruxay garoonka diyaaradaha magaalada kaasoo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 26 ruux.

Sidda uu wariyey telefishinka Al Masirah TV ee Xuutiyiinta maamulaan, duqeynta ayaa habeenimadii Arbacada ayaa ka dhacay goobo ay kamis yihiin garoonka diyaaradaha iyo laba fariisimo kale oo Xuutiyiintu leeyihiin.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo sheegay, wallow laga cabsi qabo in waxyeeladda ay tahay mid balaaran.

Telefishinka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay waddanka Qadar ayaa wariyey in duqeymaha ay gaarayaan sideed, balse ma bixin tafaasiil intaas ka badan.

António Guterres, oo ah madaxa UN-ka, ayaa cambaareeyay weerarkii "foosha xumaa" ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Cadan, kaas oo yimid daqiiqado kadib markii ay soo caga dhigatay diyaarad siday xubno ka tirsan golaha wasiirada cusub ee lagu dhisay heshiiska Sacuudiga garwadeenka ka ahaa ee lagu yagleelay dowlad wadaag ah.

Saacado kadib weerarka, qarax labaad ayaa laga maqlay agagaarka Madaxtooyadda Cadan ee Maasheq halkaas oo xubnaha golaha wasiirada oo uu kamid yahay raiisul wasaaraha Yemen Maeen Abdulmalik, iyo sidoo kale safiirka Sacuudiga ee Yemen, Mohammed Said al-Jaber, loo qaaday sababo amaanka darteed.

"Laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka midna waa la la'yahay," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay ICRC.

Ra'iisul wasaare Abdulmalik ayaa wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golaha wasiiradu ay "wanaagsan yihiin". Wuxuu ku sifeeyay weerarada mid "khiyaano" iyo "fulaynimo ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM