Sacuudiga oo laalay xukunkii dilka toogashada ee kiiska Khashoggi

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa waxay meesha ka saartey xukun dil toogasho ahaa oo sideed qof loogu riday dilka wariyihii dibad-jooga ahaa, Jamal Khashoggi, sidda ay ku warantay warbaahinta dowlada.

Shan kamid ah raggaan ayaa loogu bedelay 20-sano oo xarig ah, halka saddexda kale garka loo geliyey 7-10 sano oo jeelka ay ku qaadanayaan.

Sidda laga soo xigtay warka ay faafisay Wakaalada Wararka Sacuudiga, go'aankaan ayaa wuxuu kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta.

Xukunkaan kama dambeysta ah ayaa kusoo hagaagaya xilli wiilasha Jamal Khashoggi ay bishii May sheegeen in ay cafiyeen xukumaneyaasha.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo su'aal geliyey shaacinta dowladda laalista xukunka dilka toogashada ayaa tibaaxay in uu sare u sii qaadayo shakiga daahfurnaan la'aanta maxkamadeynta "dambiileyaasha".

Jamal Khashoggi oo la shaqeynayey Majalada Washington Post ee waddanka Mareykanka ayaan dib loo arkin bishii October 2-deeda 2018-kii markii uu galay Qunsulyadda Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.

Mas'uuliyiinta Riyadh ayaa si ku celcelis ah u beeniyey eedaha shirqoolkaas la xiriiriyey dhaxal-sugaha awooda badan ee Maxamed bin Salmaan.

Khaarijinta Jamal Khashoggi ayaa gilgishay aduunka, iyaddoo Turkiga uu ku hungoobay isku day uu ku doonayey in uu ku maxkamadeeyo shaqsiyaadkii loo xiray dhacdadaas markii Sacuudiga ku gacan-seyray dalabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM