Sacuudiga oo sameysanaya diyaarad kale oo heer qaran ah

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman, ayaa Talaadadii ku dhawaaqay qorsheyaal ay kamid tahay mid lagu aas-aasayo diyaarad labaad oo heer qaran ah isla markaana caalami ah.

Qorshahan ayaa lagu waramay in uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo boqortooyada ay dooneyso in ay ku noqoto xarun caalami ah oo dhanka saadka ah ugana maarmeyso ku tiirsanaanta shidaalka.

Talaabadan ayaa gelinaysa Saudi Arabia kaalinta shanaad ee adduunka marka la eego duulimaadyada hawada, sida ay sheegtey warbaahinta rasmiga ah ee dowladda, iyada oo aan faahfaahin laga bixin goorta iyo sida loo abuuri doono diyaaradda.

Dhaxalsugaha Amiir Maxamed ayaa hogaaminaya dedaalo Sacuudiga ku doonayo in uu ku leeliyo dhaqaalaha dunida Carabta iyo gobolka Khaliijka "si loo kordhiyo dakhliga aan saliida ahayn ilaa 45 bilyan riyaal ($12bn) marka la gaaro sanadka 2030".

Qorshahan ayaa loo marayaa horumarinta dekedaha, tareenada, isku-xirka wadooyinka, qaybta gaadiidka, saadka iyo wax-soosaarka guud ee gudaha ilaa boqolkiiba 10 boqolkiiba lix, sida ay xustey wakaalada wararka dowlada ee loo yaqaano SPA.

Sida ku xusan warbixinta SPA, soo kordhinta shirkad diyaarad kale oo Sacuudigu leeyahay ayaa waxay sarre u qaadi doontaa tirada duulimaadyada caalamiga ee tagaya Sacuudiga kaasoo hadafku yahay in la gaarsiiyo 4.5 milyan oo xamuul ah.

Qorshahan fog ayaa looga goleeyahay in lagu soo gabagabeeyo dhibaatooyin Sacuudigu wajahayo oo u badan dhanka dhaqaalaha taasoo ka dhashay aafadda dunida gilgishay ee Coronavirus iyo dagaalka ay ka waddo waddanka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halaga Barakaco Tehran – Trump oo Digniin Diray xilli Dagaalka Israel iyo Iran Sii Xoogeysanayo

Digniinta Trump iyo sii socoshada dagaalka ayaa sababay cabsi xooggan oo laga qabo inuu faraha ka baxo.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 08:35AM

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM