Sacuudiga oo shuruud ku xiray soo celinta xiriirka Israel

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Heshiis soo celinta cilaaqaadka u dhexeeya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Israel waxaa ka faa'iideysan doona gobolka, sidda uu rumeysan yahay wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada, oo intaa ku daray in heshiiska suurtagalka ah "ay in badan ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda".

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Faysal bin Farhan Al Saud, intii lagu guda jiray wareysi uu bixiyey Khamiista, wuxuu intaas ku daray "in caadi ahaanshaha xaaladda Israa'iil ee gobolka dhexdeeda ay u keeni doonto faa'iidooyin baaxad leh gobolka guud ahaan".

"Waxay aad u caawin laheyd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska hadii la helo dowlad Falastiin ah oo ku taal xuduuda 1967.

Sacuudi Carabiya ayaa hada kahor dhiibtay faallooyin kan lamid ah, waxayna sheegtay inay kaliya hagaajin doonto xiriirka ay la leedahay Israel qorshe lagu gaarsiinayo dadka Falastiin in ay noqdaan dal madaxbanaan.

"Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo u horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan," ayuu yiri Amiir Faysal bishii December ee sanadkii hore.

Wuxuu intaa ku daray waqtigaas in soo celinta xiriirka Israa’iil ay muddo dheer ka mid ahayd aragtida Sacuudi Carabiya, isagoo caddeeyay in boqortooyadu ay ku talajirtay tallaabo lagu beddelayo abuuritaanka dowlad Falastiiniyiin ah oo ka dhexeysa xudduudaha 1967.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump. Tani waxay sababtay su’aalo ku saabsan in Sacuudiga safkaas raaci karo. Falastiiniyiinta waxay si adag u cambaareeyeen heshiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM