Shan qof oo lagu helay dilka Jamaal Khashoggi oo la xukumay

Image

RIYADH, Sacuuci Carabiya – Dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga ayaa Isniinta maanta ah shaaca ka qaadey in dil toogasho lagu xukumay shan qof oo lagu helay dilkii wariye Jamaal Khashoggi.

Saddex kale ayaa lagu ridday xukuno xabsi ah, wallow aan loosoo bandhigin warbaahinta mudada ama sanadka.

Saud al-Qahtani, oo ah lataliye sarre oo ka tirsanaa Boqortooyadda, ayaa lagu sameeyay baaritaan ku saabsan kiiskan, balse waa lasii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Khashoggi oo deganaa Mareykanka mucaarad-na ku ahaa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa bishii October lagu dhex-dilay Qunsulyada Sacuudiga ee Istanbul.

Qoraagaan ka tirsanaa wargeyska Washington Post ayaa dilkiisu sababay carro caalami ah, waxaana Qaramadda Midoobay ay sheegtay in jirkiisa la jar-jaray.

Sirdoonka Turkiga oo si qoto dheer u baarey khaarijinta Jamal ayaa ku adkeystay in xukuumadda Riyadh ay soo abaabushay dilkiisa. Hase ahaatee, Boqortooyadda Sacuudiga way beenisay.

Baare gaar ah oo ka tirsan Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ku talisay in Bin Salmaan lagu sameeyo baaritaan gaar ah oo ku aadan in uu kaalin ku lahaa maadaama uu jiro tuhun badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM