Sadiq Khan ayaa ku horreeya doorashada Duqa magaalada London

Image

LONDON-Natiijooyinka hor u dhaca ee codadka la tiriyay ee doorashada duqa magaalada London waxay muujinayaan inuu ku guuleysan doono musharraxa xisbiga Shaqaalaha, Sadiq Khan, oo uu kaga adkaan doono ninka ay is hayaan ee xisbiga Muxaafidka Zac Goldsmith.

Haddii la xaqiijiyo saacadaha soo socda inuu guuleystay Mr Khan wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee qabta xilkaasi. 

Waxaa halkaasi ku soo gabagabooyaya siddeed sano oo xilka duqa London ay hayeen xisbiga Muxaafidka. Codadka uu helo duqa magaalada London waa kuwa ugu badan ee hal qof uu helo dhammaan dadka ku jira siyaasadda Britain; doorashada Raiisul Wasaaraha waxay ku xiran tahay xisbiga ugu kuraasta badan baarlamaanka.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM