Safaaradda Maraykanka ee Uganda oo ka digtey weerarro argagixiso

Image

March 26, 2015 (GO)- Safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda ayaa ka digtey weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, weerarradan oo suuragal ay tahay in lagu bartilmaameedsado dadka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda waxaa lagu sheegay in la helay xog muujineysa weerarro la qorsheynayo in dhowaan lala beegsado goobaha dadka reer galbeedka ahi isugu yimaadaan sida hoteellada. Faah faahin intaas ka badan safaaraddu ma bixin.

July 11, 2010, qaraxyo ka dhacay labo goobood oo ku yaalla  Kampala laguna daawanayey ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka waxaa ku geeriyoodey 74 qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Mas'uuliyadda labadaas qarax waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay dalka Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askarioo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Miwoga Africa uu ka wado Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo AMISOM.

Bishii September ee lasoo dhaafay, dalka Uganda waxaa loo diidey inuu marti geliyo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cricket-kaa, sababo ammaanka la xiriira dartood.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM