Safiir ka shaqeeyay Soomaaliya oo xil sare loo dhiibay

Image

COPENHAGEN, Denmark – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Mette Knudsen wuxuu u magacaabay ku xigeenka wakiilka UN-ka u qaabilsan dalka ay colaaduhu la dageen ee Afghanistan.

Knudsen ayaa horey u soo noqotay ergayga Denmark u qaabilsan wadamadda kala ah; Kenya, Greece, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si gaar ah Soomaaliya, bishii October 5-teeda, sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii Mette Knudsen uu madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud, ka guddoomay waraaqaha safiirnimo.

Konton iyo sideed sano [58] jirtan u dhalatay Denmark oo shaqada safiirnimo ka tagtay 18-kii Febraayo ayaa xilka cusub ee Qaramada Midoobay waxay la wareegeysaa 16-ka Febraayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Denmark oo war-saxafadeed soo saartey Sabtida maanta ah ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay magacaabida Mette Knudsen, waxayna u rajeysay in ay ku guuleysato waajibaadkeeda.

Denmark ayaa kamid ah dalalka taageerada balaaran siiya howlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistan kaasoo loo yaqaano UNAMA.
"Magacaabida Mette waxay ka marag-kaceysaa in waqtiga badan ee ay ku bixisay horumarinta diblumaasiyadda Denmark iyo horumarka iskaashiga caalamiga ah – waxay aqoonsi wanaagsan u tahay waxqabadka Denmark ee Afghanistan, waana ku faaneynaa shaqadeeda," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Inta badan diblumaasiyiinta dalalka reer Galbeedka ayaa markii uu ka dhamaado muddo xileedkooda safiirnimo ee wadamada ay ku metelayeen Soomaaliya waxaa loo dalacsiiyaan jagooyin kale oo qaarkoo UN-ka kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM