Safiir uu magacaabay Donald Trump oo loo haysto "fadeexad weyn"

Image

WASHINGTON, US – Safiir Mareykan ah oo uu magacaabay Donald Trump kaasoo muhiim u ah dhageysiga dacwadda xil ka qaadista ayaa waxay saddex haween ku eedeeyeen in uu ku sameeyay anshax xumo.

Gordon Sondland, ergayga Mareykanka ee Midowga Yurub, oo beeniyay eedeymaha, ayaa isaga oo uu wehliyo qareenkiisa waxay ku sifeeyeen haweenka in ay doonayaan in ay wiiqaan sharafkiisa.

Jaraa'idka Portland Monthly oo magacaabay saddex haweenka kuwaas oo sheegay in Sondland, oo ah mulkiile huteel kana soo jeeda Seattle, uu uga aargoostay si xirfadeysan markii ay haamada ka diideen.

Haweenka ayaa waxaa ku jira Jana Solis oo ay kulmeen 2008-dii, iyo Nicole Vogel, oo ay is arkeen 2003-dii, sidda ku cad xogta.

Solis oo raadineysa shaqo khabiir oo ka banaaneyd mid kamid ah huteeladiisa ayaa sheegtay in uu si awood ah dhun-kaday.

Vogel, oo ah mulkiilaha Portland Monthly oo sheekadan lagu daabacay, ayaa dooneysay in loo maalgeliyo wargeys cusub, balse waxay tiri "si qasab ah ayuu isoo jiidey si uu ii dhunkado waana ka diiday".

Qareenka Sondland oo bayaan soo saarey ayaa eedeymaha ku sifeeyay "been aan loo baahneyn lana doonayo in lagu sumcad dilo".

Sondland oo taageero u ah Donald Trump ayaa caleema saarkii madaxweynaha Mareykanka ku taageeray aduun lacageed dhan hal milyan oo Dollar, waxaana kadib laga dhigay danjiraha Midowga Yurub.

Eedeymaha ka dhanka ah Sondland oo todobaadkii hore lagu su'aallay ayaa waxay caddeymo u noqon karaa xisbiga dimoqraadiga oo doonaya in ay daaqada ka saaraan maalqabeenka madaxweynaha noqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM