Safiirka cusub Somalia oo u bandhigay Obama waraaqaha aqbalaada

Image

18 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa shalay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad wuxuu waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona Maraykanka Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay arrimo la xiriira Somalia iyo qaabkii loo hormarin lahaaa.

Axmed Ciise  Cawad Danjiraha Somalia ee Maraykan ayaa Iddaacada VOA–da u sheegay in Obama daneynayo arrimaha Somalia, isla markaana dhowaan la furi doono safaaradda cusub ee magaalada Washington.

Cawad ayaa badalay Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday safiir Somalia ee Maraykanka muddo labaatan sano ah ka dib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM