Sanduuqa madow ee diyaarada Indonesia oo la goobayo

Image
Image
Image
Image
Image

JAKARTA, Indonesia – Sanduuqyada madow ee diyaaradkii rakaabka ahayd ee shalay badda ku dhacdey markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha caasimadda Indonesia ee Jakarta ayaa la qoonsaday halka uu yaalo, sidda ay shaaciyeen mas'uuliyiinta maxalliga ah ee dalkaas.

Sidda ay sheegeen masuuliyiinta u dhashay dowlada, ciidamadda badda Indonesia ayaa baadigoobaya goobta, waxaana la rajeynayaan in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan kusoo helaan.

Qayb kamid ah burburka diyaaradda iyo jir bini'aadam ayaa lagu waramay in ay kamid yihiin waxyaabaha haatan ka helay.

Diyaaradda Sriwijaya Air Boeing 737 oo sidday 62 rakaab ah ayaa kusii jeeday magaalada Borneo markii la waayey xiriirkeeda.

"Waxaan aqoonsanay meesha ay yaaliin sanduuqyadda madow – labadooduba," ayuu yiri Soerjanto Tjahjono, oo ah madaxa Guddiga Badbaada Gaadiidka Indonesia oo la hadlay AFP.

Soerjanto Tjahjono ayaa wuxuu ku daray: "Darawalada waxay hadda bilaabayaan in ay baadigoobaan. Waxaana rajeynaynaa in aysan waqti badan qaadan doonin in aan dib u helno".

Baareyaasha ayaa rumeysan in agabka illaa haatan la helay ay aaminsan yihiin in ay kala yihiin; cagaha diyaarada iyo garbaheeda.

Indonesia ayaa kamid ah wadamada ay ku badan yihiin shilalka diyaaradda. Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 MAX oo ay maamusho shirkada Indonesia ee Lion Air ayaa ku burburtay Jakarta 2018, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 189 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM