Sarkaal loo haysto dilka rayid oo lagu daayey damaanad hal milyan doolar

Image

WASHINGTON, US – Sarkaalka kamid ahaa booliska gobolka Minneapolis ee Mareykanka dacwad loogu soo oogay geerida ninkii madowga ahaa ayaa lagu sii daayey damaanad hal milyan oo doolar ah.

Darek Cheuvin ayaa si gaar ah waxaa loogu soo eedeeyay in George Floyd uu sulka ugu qabtay Jilibkiisa isla markaana uu ku haayey isagoo u sheegaya in uusan neefsan karin isla markaana dhimanayo.

Ma cadda shirkadda bixisay lacagtaas. Sharciga wuxuu u ogolaanayaa saraakiisha in ay damaanad 10-kun ama 100-kun helaan.

Telefishinka CNN ayaa Cheuvin oo ku eedeysan laba dacwad – heerka labaad iyo saddexaad iyo dil bareer ah – uu jeelka ka baxa abaare shan saac oo barqanimo maalintii Arbacada waqtiga dalka Ameerika.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, eedeysanaha wuxuu maxkamad kasoo muuqan doonaa 8-da bisha Maaj ee 2021-ka.

Dhacdada sababtay geerida George Floyd oo lasoo wariyey 25-kii May ee 2020-ka ayaa waxaa ka dhashay carro xoogan iyo iyo soo baxyo rabashado oo kusii baahay magaalooyinka waaweynee Mareykanka.

Falkaas wuxuu dib u soo cusbooneysiiyey tacadiyada ciidamadda booliska kula kacaan dadka laga tirada badan ee waddanka.

Sikastay ahaato, Darek Cheuvin waxaa eeda ku wehliya saddex sarkaal kale kuwaasoo loo haysto in ay caawiyeen eedeysanaha koowaad. Dhamaantooda waxaa laga eryay Taliska Booliska Minneapolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM