Sarkaal Sacuudi ah oo dil iyo dhaawac ka geystay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal u dhashay Sacuudiga ayaa ka dambeeyay toogasho lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay afar kale oo ka dhacday Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay xeradda ciidamadda badda Mareykanka ee gobolka Florida, maanta oo Jimce ah.

Warbaahinta CNN oo soo xigatay saraakiil iyo baareyaal ayaa warisay in sarkaalkan uu ka tirsanaa milatariga Sacuudiga.

Lama soo bandhigin magaca iyo muuqaalka sarkaalka, oo la sheegay in uu tababar la qaadanayey askar Ameerikaan ah.

Cutubyo kamid ah ciidamadda cirka Sacuudiga ee ku lug leh colaadda raagtay ee Yemen ayaa lagu tababaray Mareykanka.

Xukuumadda Riyadh ayaa horkaceysa isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kula jira falaagadda ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

Madaxweyne Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaciyey in Boqorka Sacuudiga uu ka tacsiyeeyay dhacdadaan, isla markaana uu ku sifeeyay "fal cawaanimo ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM