Sarkaal Sacuudi ah oo dil iyo dhaawac ka geystay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal u dhashay Sacuudiga ayaa ka dambeeyay toogasho lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay afar kale oo ka dhacday Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay xeradda ciidamadda badda Mareykanka ee gobolka Florida, maanta oo Jimce ah.

Warbaahinta CNN oo soo xigatay saraakiil iyo baareyaal ayaa warisay in sarkaalkan uu ka tirsanaa milatariga Sacuudiga.

Lama soo bandhigin magaca iyo muuqaalka sarkaalka, oo la sheegay in uu tababar la qaadanayey askar Ameerikaan ah.

Cutubyo kamid ah ciidamadda cirka Sacuudiga ee ku lug leh colaadda raagtay ee Yemen ayaa lagu tababaray Mareykanka.

Xukuumadda Riyadh ayaa horkaceysa isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kula jira falaagadda ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

Madaxweyne Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaciyey in Boqorka Sacuudiga uu ka tacsiyeeyay dhacdadaan, isla markaana uu ku sifeeyay "fal cawaanimo ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM