Shacab lagu dhaawacay Ceerigaabo Sanaag

Image

10 November, 2015(GO)-Ciidamada amniga magalada Ceerigaabo gobolka Sanaag ayaa rasaas nool u adeegsaday shacab dhigayay banaan bax kuwaasi oo xiray waddooyin ku  yaalla magalada isla markaana gubay taayaro.

Inta la ogyahay sideed ruux ayaa dhawacmay kuwaasi oo haleeshay rasaas ka timi dhinaca ciidamada amniga oo doonayay inay soo xiraan shakhsi ka trisan ciidanka, kaasi oo loo haystay eedaymo aan la cadayn.

Dadka dhaawacmay labo ka mid ah, ayaa wararku sheegayaan inay xaaladooda caafimaad aad u adagtahay.

Askari ka tirsan ciidamada rasaasta riday, ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaasi ka soo horjeedeen amniga, sidaa darteen tahay waajib saaran inay dowladda ka qabtaan shakhsiyaadka wada amni darada.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM