Shakhsiyaad weeraro damacsanaa Belgium oo la xiray

Image

29 December, 2015(GO)-Labo qof  ayaa Booliiska dalka Belgium ku xireen magaalada Brussels kadib markii ay ku tuhmeen weerar ay ku qaadaan dalkaas iyagoo bartilmaameedsanaya xalfaddaha sanadka cusub.

Dadkan ayaa lagu soo qabtay howl gallo baahsan oo ciidanka Boliiska dalkaasi ka fuliyeen xarunta dalkaasi, waxaana socda baaritaanno dheere oo dalka dhan lagu samaynayo.

Belgium ayaa gashay feejignaan xooggan, waxayna ka cabsi qabtaa weeraro argagixisadu ka gaystaan dalkeeda tan iyo markii 13 November lag qarxiyay magalada Parisa xarunta France.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi ayaa loo malaynayaa in ay saldhig u ahayd Belgium.

Dadkan la tuhunsanyahay ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadi rabeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Brussels iyo booliiska sida ay baahisay warbaahinta Belgium ee RTBF.

Baaritaanada yaa Booliisku ku qabteen dhar millitari iyo waxyaabo borobogaandada loo adeegsado, laakiin lama helin hub ama waxyaabaha qarxa.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM