Shan qof oo hal qoys kasoo jeeda oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

MEXICO CITY, Mexico – Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku naf-weysay markii shil diyaaradeed uu ka dhacay waqoyga dalka Mexico, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Shan kamida dadka geeriyooday ayaa kasoo jeeda hal qoys xili wadarta guud ee saarneed diyaarada burburtay ay gaareysay 13 qof.

Dhibanayaasha ayaa kasoo laabtay ciyaar feer ah oo ay kusoo daawadeen magaaladda Las Vegas ee dalka Mareykanka.

"Diyaarada oo sumadeedu ahayd Challenger 601, taasi oo si gaar ah loo leeyahay waxaa ay ku dhacday degmada Ocampo," ayuu yiri maamulka Coahuila.

Lama hubbo waxay sababay shilka, balse waxaa dhowaanahaan jirtay digniin dhinaca cilimada ah oo loo dirayey diyaaradaha.

"Burburka diyaarada oo kaliya ayaa la arkay ma jirto cid ka badbaaday," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad goboleedyadda Coahuila.

Saraakiisha gobolka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qaraabada marxuumiinta, si gaar ah reerkii ay ka baxeen shanta qof ee isku qoyska ahaa.

Sikastaba ha ahaatee, shirkadda Bombardier Inc oo lahayd diyaaradda shilkaasi gashay ayaa rajeyneysa in baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo waxay dhaliyey dhacdada ay xaqiiqada soo saari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM