Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu qafaashay Yemen

Image
Maleyshiyo loo malanayo in ay ka tirsan yihiin Al-Qaacida ayaa lagu eedeeyay afduubka.

SANCA, Yemen - Maleeshiyo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin al-Qaacida ayaa shan shaqaale oo ka tirsan Qaramada Midoobay afduub ugu geystay koonfurta Yemen, sida ay sheegeen saraakiisha Yemen Sabtidii.

Saraakiisha ayaa sheegay in shaqaalahan laga af-duubtay gobolka Abyan goor dambe oo Jimcihii ah, waxaana lala aaday meel aan la garanayn. Waxa ay sheegeen in ay ku jiraan afar Yemeni ah iyo mid ajnabi ah.

Hogaamiye yaasha qabaa’ilka ayaa sheegay in ay kala xaajoonayaan afduubayaasha si loo sii daayo shaqaalaha. Waxa ay sheegeen in kooxaha afduubka geystay ay dalbadeen lacag madax furasho ah iyo in la sii daayo qaar ka mid ah mintidiinta u xiran dowladda uu caalamku aqoonsan yahay.

Saraakiishan ayaa ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, iyadoo aan loo ogolayn inay warbaahinta si kooban ugu faahfaahiyaan, waxaana madaxda qabaa’ilka ay arrintaasi u sameeyeen iyagoo ka baqaya aargoosi.

Golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurta ee gooni u goosadka ah, oo gacanta ku haya inta badan koonfurta Yemen, khilaafna kala dhexeeyo dawladda Yemen, ayaa cambaareeyay afduubka oo ay ku tilmaameen “fal argagixiso”.

Dowladda Yemen ayaa xaqiijisay in shaqaalahan oo u shaqeynayay Waaxda Ammaanka iyo Badbaadada Qaramada Midoobay ay afduubteen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan, iyadoo intaa ku dartay inay ku dadaalayso sidii loo sii deyn lahaa. Ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Afduubka ayaa inta badan ka dhaca dalka Yemen, oo ah waddan faqri ah halkaas oo ay qafaashaan qabaa’ilka hubaysan iyo mintidiinta xiriirka la leh al-Qaacida si ay ugu beddelaan maxaabiis ama lacag caddaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM