​Shaqaale katirsan QM oo lagu afduubay Sudan

Image

Koox hubaysan ayaa 3 katirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobey ku afduubay galbeedka dalka Sudan, halkaasi oo mudo ka badan 20 sano ay ka taagan yihiin dagaallo ay dad badan ku dhinteen.

Abdelah Mustafa, oo ah Sarkaal sare oo katirsan dowladda Sudan ayaa u sheegay AFP in shaqaalaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa lagu afduubay gobolka ay xasaraduhu ka taagan yihiin ee Darfur.

Labo kamid ah shaqaalaha la afuubay waxay u dhasheen dalka Nepal, halka midka saddeexaad uu kasoo jeedo wadanka Sudan, kuwaasi oo u shaqeynayay UNHCR.

Ciidamada Booliska Sudan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan Kooxda Afduubka ka dambaysa, si ay usoo furtaan shaqaalaha Hay'adda dhanka xaqootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.

Tan iyo 2003, Gobolka Darfur waxaa ka socdo Colaad ay ku dhimatay ugu yaraan 300,000 oo qof, waxaana ku barakacay dad gaaraya 2.5 million oo qoys, sida ay QM sheegtay.

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu eedaayay inuu ka dambeeyo colaadda gobolka Darfur, waxaana si aad ah u doon-doonaysa Maxkamada ICC.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM