Shiinaha oo qorsheynaya inuu fariisin ciidan ku yeesho Jabuuti

Image

May 10, 2015 (GO)- Shiinaha ayaa doonaya inuu fariisin ciidan ka sameysto dalka Jabuuti, arrintaasoo haddii ay hirgasho ka dhigeysa Shiinaha dalka afraad ee fariisin ciidan ku leh wadanka Jabuuti.

Horay waxaa Jabuuti ciidamo uga joogeen dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo Japan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in wada xaajood arrintaas ku aadani u socdo xukuumadaha Beijing iyo Jabuuti, xilliganna uu gaba gabo ku dhow yahay.

"wada xaajood ayaa noo socda...in Beijing halkan joogitaan ku yeelato aaad baan usoo dhoweyneynaa" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti isagoo intaas raaciyey in tallaabadani wax dhib ah ku keeni doonin xiriirka Jabuuti kala dhexeeya wadamada reer galbeedka.

Haddii qorshahani noqdo mid hirgala, waxay Dowladda Shiinuhu fariisin militeri ka sameysan doontaa dekedda caalamiga ah ee Jabuuti, dekeddaas oo sanadkii hore maamulkeeda lagu wareejiyey shirkad isla wadanka Shiinaha laga leeyahay.

Maraykanka iyo Faransiiska oo xifaaltan siyaasadeed kula jira Shiinaha ayaa sida dadka siyaadda faaloodaa saadaalinayaan, aan ku farxi doonin in Shiinuhu joogitaan militeri ku yeesho Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM