Shil ay dad badan ku le'deen oo ka dhacay dal Yurub ka tirsan

Image
Image

MADEIRA, Portugal – Ugu yaraan 29 ruux ayaa ku geeriyootay markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu qalibmay, sidda uu xaqiijiyay Booliska, oo hoosta ka xariiqay in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Musiibadaan oo ay ku dhaawacmeen 27 kale ayaa ka dhacday meel ku dhow magaalada Caniço, kana tirsan jaziirada Madeira ee wadanka Portugal.

Inta badan dadka saarnaa baabuurka ayaa ahaa dalxiisayaal u dhashay Germany, wallow dad kale oo dalkaasi kasoo jeeda ay la socdeen gaariga.

Madaxda gobolka ay dhibtu ka dhacday ayaa ka tacsiyeeyay arrintaan xili ay soo kabasho degdeg ah u rajeeyeen dhibanayaasha isbitaalada ku jira.

Si dhab ah looma ogga waxa keenay shilka, balse waxaa loo badinayaan in ay tahay cilad dhanka darawalka ka timid.

Dowlada Jarmalka oo si lamid ah tilmaamtay in ay murugada la qaybsaneyso ehelada dadka dhintay ayaa dalbatay baaris lagu sameeyo arrinkaan.

Madaxwaynaha Portugal, Rebelo de Sousa, ayaa tegaya goobta ay mashaqadu ka dhacday oo kuwa maxaliga ah ay mar sii horeysay tageen.

Sanadkii 2005-tii ayay ahayd markii shil gaari oo ka dhacay isla Jaziirada Madeira gaar ahaan halka loo yaqaano São Vicente ay ku naf-waayeen shan dalxiisayaal u dhashay wadanka Talyaaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM