Shinzo Abe oo mudo dheer sii maamuli doona Japan

Image

TOKYO - Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa mar kale loo doortay inuu sii ahaado hogaamiyaha xisbiga talada haya ee dalkaas, kadib marki uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorasho ka dhex-dhacday xisbiga Liberal Democratic.

Guushaan ayaa waddada u sii xaareysa in Abe uuu Japan sii xakumo muddo saddex sano oo kale ah.

Abe ayaa si fudud uga badiyay wasiirkii hore ee difaaca Japan Shigeru Ishiba doorashadi Khamiisti, kadib marki uu helay codad dhan 553 halka Ishiba uu helay 254 cod.

Haddii Shinzo Abe oo hadda ah 63 sano jir uu dhameysto teeramka soo socda, wuxuu noqon doonaa ra’isulwasaarihi ugu muddada dheeraa ee xakuma dalka Japan.

Waxaa hadda ah Ra’isulwasaarihi ugu xilliga dheeraa ee soo maamula Japan Taro Katsura oo Japan kasoo taliyay billowgii qarnigii 20-aad.

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM