​Shir madaxeedka Afrika oo soo xirmay

Image

ADDIS ABABA- Shir muddo labo maalin ah uga socda madaxda dalalka qaaradda Afrika ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magalada Dahar-bar ee waddanka Ethiopia, waxaana shirkan mudadii uu socday diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ugu horayso xaaladda amniga iyo qaabkii looga isaga xogwaraysan lahaa hormaradii la gaaray shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kulankan "Tana High-Level Forum on Security in Africa" oo markii shanaad qabsoomay, waxaa kasoo qayb gashay madaxda kala duwan oo kasoo dalalka qaaradda gaar ahaan mas'uuliyiinta kala ah; Ra'isal wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Togo , Faure Essozimna Gnassingbé, Madaxweynaha Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir, Madaxweynihii  hore Botswana, Mauritania, xoghayihii hore Qaramada Midoobay Kofi Annan, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating, wakiilo ka socdey dalalka kale ee Afrika, beesha caalamka iyo khubaro caalami ah oo arrimaha amniga qaabilsan.

Dalka Somalia, shirkan waxa ugu qayb galay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", waxayna ka jeediyeen khudbado ay uga hadleen xaaladda dalka iyo amniga halka uu marayo gaar ahaan guulaha laga gaaray mallayshiyaadka Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamud, ayaa kulanka kadib sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qayb galka madashan, isagoo xusay inay diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, wuxuuna ku tilmaamay mid wax kabadalaya hormarka gobolka.

Kulankan waxa madaxda Afrika kusoo hadal qaadeen sidii la isaga kaashan lahaa soo afmeeridda xasaradaha ka taagana qaaradda iyagoo si cad u sheegay in loo midoobo sidii ay door ugu yeelan lahaayeen arrimaha beesha caalamka.

Isu-imaatinka waxaa sidoo kale looga dooday qorshayaasha la fulinayo sannadka soo socda, waxaana muhiimadda koowaad la siiyay la dagaallanka argagixisada iyo afmeeridda weerada ay ka gaystaan gobolka, waxayna isku raaceen inay is dhaafsadaan xogaha la xiriira kooxahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM