Shirkadda Twitter oo soo rogtay go'aan si gaar ah u saameynaya Trump

Image

WASHINGTON, US – Shirkadda Twitter-ka ayaa ku dhawaaqdey qorshe cusub kaasi oo u muuqda mid lagu beegsaneyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, sidda ay sheegeyso saxaafadda.

War kooban oo ay shirkadda soo saartay maanta oo Khamiis ah ayay si rasmi ah ugu shaacisay in masixi doono guud ahaan qoraalada lasoo dhigo bartaasi ee ka yimaada hogaamiyeyaasha caalamka kuwaasi oo hareer-marsan xeerarkeeda.

Wakaaladda wararka Faransiiska laga leeyahay ee AFP ayaa talaabadan ku sifeysay mid si gaar ah u saameyneysa fariimaha "xad ka baxa" ee ka yimaada hogaamiyaha Mareykanka, Donald Trump.

Trump ayaa wuxuu aad ugu caan-baxay in uu hawada ugu mariyo bartan qoraal qaarkood aflagaado ah [caay ah] siyaasiyiinta ay ku xifaaltaman saaxada siyaasada maxaliga ah si lamid ah kuwa caalamka.

Inkasta oo aysan marna Trump ka joojin adeegsiga barteeda, digniinta cusub ee ay shirkada Twitter soo saartey waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo Mareykanka ay ka bilaabatay olalaha doorashada 2020.

Aaladan casriga oo uu Donald Trump ku leeyahay malaayiin ruux oo ku xiran ayaa waxa la rumeysan yahay in ay fure u ahayd guushiisii doorashadii ugu dambeysay.

Trump ayaa dhowr jeer cabasho ka dhan ah shirkadan gudbiyey. Markii ugu dambeysay wuxuu ku eedeeyay in ay adkeysay in taageereyaashiisa ay isaga kusoo darsadan [Following]. Balse afhayeen u hadlay shirkada dafiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM