Shirqool ka dhan ah diblumaasiyiinta Mareykanka oo la fashiliyey

Image

AMMAN, Jordan – Sirdoonka dalka Carbeed ee Jordan ayaa shaaca ka qaadey in uu fashiliyey weerar ka dhan ahaan ciidanka iyo diblumaasiyiinta Mareykanka.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in sidoo kale shirqoolka lala damacsanaa diblumaasiyiinta maamulka Yahuuda ee waddankaas ku sugan.

Xoogaga lala doonayey gulufka ayaa ku sugan saldhig ku yaala koonfurta dalkaas, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Bayaanka oo kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka ayaa lagu xusay in laba ruux ay abaabulayeen duulaanka, kuwaas oo ka tirsan Daacish.

Shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo la xiray bishii July ayaa qorsheeyay in ay gaari, mindi iyo rasaas u adeegsadaan weerarkooda.

Xubnahaan oo magacyadooda iyo jinsiyahooda aan lasoo bandhigin ayaa lasoo taagay Maxkamadda ciidamadda Ammaanka Jordan.

Sidda lagu sheegay warka qoraalka ah, eedeysaneyaasha ayaa lagu soo oogay dacwad argagixisinimo ah iyo dambiyo kale oo waaweyn.

Maxkamadda ay kasoo muuqdeen xubnahaan ayaa waxaa sharciyadeeda su’aal geliyey qaar kamida siyaasiyiinta iyo wadaadada ugu caansan waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM