Shuruud lagu xiray Muslimiinta caalamka ee dooneysa Cumrada

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka dhigay inay bilaabi doonto qabashadda codsiyada Xujeyda Muslimiinta dibadda ka imaanaysa kuwaasoo iska talaalay Coronavirus 9-ka bishaan Ogosto.

Shaacintan lasoo mariyey warbaahinta dowladda ayaa timid qiyaastii 18 bilood ka dib markii boqortooyadu ay shuruudo ku xirtey xujayda ajnabiga ah sababo la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus.

Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta wasaaradda ee isku duwa xujayda ajnabiga ah laga bilaabo Isniinta ay bilaabi doonaan "qabashadda codsiyada Cumrada dalal kala duwan oo adduunka ah".

Ogolaanshaha ayaa markii hore la siin doonaa 60,000 oo Xujey Cumro ah bishiiba, laakiin tiradaas ayaa si tartiib tartiib ah loo gaarsiin doonaa laba milyan bishii, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Xujeyda ka imaanaysa daafaha dunida, sida ku xusan qoraalka, waa inay codsiyadooda soo raaciyaan shahaadooyinka nooca tallaalka COVID-19 ee aduunyadda laga oggolaaday.

"Xujayda la tallaalay ee ka timid waddamada aan ku jirin liistada gelitaanka ee Sacuudi Carabiya waxay ku xirnaan doonaan karantiil hay'ad markay yimaadaan," ayay raacisay wakaaladu raacisay warbixinteeda

Cumradu waxaa loo tagaa laba kamid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka oo ah Maka iyo Madiina waxaana la samayn karaa wakhti kasta oo sanadka ah. Wuxuu ka duwan yahay xajka oo sannad walba mar la oogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM