Sida fariimaha WhatsApp-ka uga akhrisan karto IPhone si qarsoodi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaki kuma jiro in WhatsApp-ka uu yahay mid kamid ah Aalaadaha fariimaha la isugu diro ee ugu caansan telafoonada caaqilka ah, balse waxaa jira hal walaac.

Walwalka ayaa ah in dadka qaarkii aaney dooneyn in fariinta u timaada hadii akhristeen ama in kale uu ogolaado qofka u soo diray.

App-ka WhatsApp-ka ayaa adeegsada "calaamad hubin ah" kuwaasoo ah nidaam ku tusinaya marka fariin laguu soo diro.

Calaamadaha ayaa ah saddex qeybood oo ka kooban midabyada cadaan iyo madow khaliif ah - Tusaale ahaan, marka kaliya ay tahay hal sax, waxay ka dhigan tahay in la diray fariinta. Marka ay labo saxiix noqoto macnuhu waa in la arkay, halka marka ay buluug isku bedalaan ay tahay in la akhristay.

Iyada oo ay tani tahay wax aad loo isticmaalo ayaa mararka qaar waxaa dhacda in fariin sugaha uu caroodo, sababta oo ah in loo diraha uu si ola kac ah isaga indha tiro jawaab celinta laga filanayo.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya qaabka ugu fudud oo aad ku akhrisan karto fariinta, adiga oo aadan ka walwaleen in soo diraha uu ku ogonaayo, balse waa in aad haystaa telafoonka iPhone-ka.

Waxaa jira illaa iyo saddex qaab oo loo sameyn karto arrintaan, hasayeeshee waxaa uu GO kusoo gudbinayaan qaabka ugu sahlan.

Waxa aad gelaysaa WhatsApp-ka, kadibna waxa aad kasii dooraneysaa "Settings", adiga oo xulanaya "Account" iyo "Privacy", intaasi kadib waxaad kasii dookhaneysaa iga xir ama "Switch Off Read Receipts".

Xusuusnow, haddii aad sidan sameyso, ma arki doontid risiidhada rasmiga ah fariimaha asxaabtaada kusoo direen, sidaa darteed ma ogaan kartid inay akhriyeen farriimahaaga - laakiin laga yaabo in ay tahay naxariis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM