Sidee weerarkii Sacuudiga usii kiciyay xiisadda Mareykanka iyo Iran?

Image

Weerarkii sabtidii lasoo dhaafay lagu qaadey goobaha ugu weyn ee laga soo saaro shidaalka dalka Sacuudiga ayaa sare usii qaadey xiisaddii u dhaxeysay Mareykanka iyo Iran ee ka jirtay gacanka Hormuz.

Xuutiyiinta Shiicadda dalka Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ka ee lagu beegsaday xaruumaha Khurais iyo Abqaiq eek u yaalla bariga wadanka Sacuudiga.

Weerarka duqeynta ahaa ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyay wax-soo-saarka saliida ceyriinka ee Sacuudiga, maadaama goobaha la beegsaday laga soo saari jiray 5.7 million barmiil oo saliida ah maalin walba.

Sacuudiga ayaa ku qaadan doonta todobaadyo inay hagaajiso dhaawacyada soo gaarey warshadaha la duqeeyay, kuwaasoo ay maamusho Shirkadda laga leeyahay dalkaasi ee Armaco.

Mike Pompeo oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku eedeeyay Iran inay ka dambeyso weerarka Sacuudiga, balse xukuumadda Tehran ayaa iska fogeysay eedeymahaasi oo ku tilmaantay kuwa aan “micna-lahayn”.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen una diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudiga oo ah xulufadiisa ugu weyn gobolka.

Maxamed Bin Salman, dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa Taleefonka kula hadlay habeen hore Madaxweyne Trump, kadib weerarka, isagoo u sheegay in dalkiisa uu bixin doono jawaab military oo deg deg ah.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ku sheegay inuu Sacuudiga ka sugayo inuu ka maqlo cidda ay rumeysan yihiin inay ka dambeyso weerarka iyo nooca tallaabada ay ku xijin doonaan.

Dadka gorfeeya arrimaha gobolka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Goobaha ay suurta-galka tahay in Sacuudiga iyo Mareykanka ay beegsadaan ee Iran ay noqon karaan xarumaha muhiimka ah ee shidaalka dalkaas lagu sifeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM