Sidey haweenaydaan 80-sano u nooshahay biyo iyo koronto la’aan?

Image

LONDON, UK – Margaret Gallagher ayaa waxay 80-sano nooshahay laba kamid ah waxyaabaha bud-dhiga u ah nolosha bini'aadamka.

Markii ay ku dhalatay meel ku dhow sohdinta Ireland sanadkii 1942-dii waxay dadku ahaayeen kuwa nool biyo iyo koronto la’aan.

Deriska Margaret ayaa intii u dhaxeysay 1940-kii illaa iyo 1950-kii bilaabay in ay casriyaan guryahooda balse reerkeedu wuu seegay.

Sababta ayaa waxay tahay geerida aabaheed iyo hooyadeed oo ay soo food-saartay xaalad caafimaad daro [xanuun].

Hadda oo ay tahay 77-jir, waa mid kamida da'da gaamuray ee ku nool Ingiriiska iyo Ireland, kuwaasi oo biyo iyo koronto la’aan nool.

"Sababta aan u sameynayo waa in aan ku hawlanahay, ma ahan sababta in aan caruur ahay, waa hindise cusub," ayey u sheegtay BBC-da.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in aysan haysan wax dhaqaalo, balse kuma fekereyso in ay marnaba ka takhalusto hab nolaleedkeeda.

"Dad ayaa jira oo doonaya in ay ku noolaadaan sida aan aniga u noolahay, taasi macnaheedu waa in ay tahay mid wanaagsan," ayay daba dhigtay.

Hasayeeshee, waxay ay qirsan tahay in aysan u bad-qabi doonin sidda ay haatan tahay, iyadda oo rajeyneysa in caafimaad daro ay soo wajihi doonto.

"Waan jeclahay wax kasta oo aan soo sameeyay. Waa hab-nololeed wanaagsan. Balse waxaa jirta cabsi, miyaan tegi doonaa?," ayey daba dhigtay.

Wali ma aysan rajo dhigin, waxayna aaminsan tahay in maalin un uu nasiibka u imaan doono, isla markaana ay shilimaad heli doonto.

"Haddii aan ku guuleysto bakhtiyaa-nasiib, weli waan ku noolaan lahaa, waxaan ahay miyir-beereedka roogga ah," ayay kusoo xirtay hadalkeeda.

Sikastaba ha ahaatee, Margaret oo kali ahaan u nool tan iyo qarnigii 18aad ayaa waxay cunada ku karsataa dabka caadiga ah, iyada oo biyo 10-jeer maalintii kasoo dhaansata ceel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM