Hooyo talaaban qaaday markii uu qarxay gaari ay caruur u saarneed

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyo ayaa go’aan aan suurtagal ahayn qaadatay markii uu qarxay gaari ay saarneed caruurteeda xili ay tukaameysi kasoo laabatay.

Caruurta gaariga saarneed ayaa waxay gaareysaa labo Ubad, kuwaasi oo mid kamid ah uu hurdayay xiliga uu shilku dhacayay.

"Waxay ahayd habeenkii ugu xumeed nolasheyda," ayay tiri Emily Smith, taasoo u warantay warbaahinta Hull Live.

Dhacdadaan ayaa todobaadkii hore ka dhacday meel ku dhow suuqa tukaameysi ee Tesco.

"Dabka wuxuu ahaa mid si xowli ah ku socday…isla markiiba aan arkay waxaan kala doortay caruurteyda iyo in aan gurmad u qaylo dhaamiyo," ayay raacisay.

Ilmaha mid kamid ah waa wiil, kaasoo lagu magacaabo Emmy-Leigh, isla markaana 3-sano jir ah, iyo midka kale oo gabar ah, Joseph, 11-sano jir tahay.

"Aniga furaya albaabka gaariga ayuu dabku kacay…mid kamid ah caruurteyda wuu hurday…kursiga dambe ayuuna jiifay, midka horey ayaana soo dafay," ayay tiri.

Emily Smith ayaa intaasi ku dartay in cunuga kale ee jiifay kursiga dambe ay u soo badbaadiyeen dad ay gurmad waydiisatay.

Wali lama ogga waxay dhaliyay dabka ka kacay gaariga, balse dab-damiska oo si deg deg uga soo fal-celiyay ayaa ku guuleystay in ay baq-tiijiyaan.

"Wax kasta oo aan lahaa gaariga ayay saarnaayeen, wayna gubteen...ma haysanin isla habeenkaasi wax lacag ah balse shirkada ayaa i caawisay," ayay xustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM