Sidey shukulatadaan u tahay mid salka ku haysa midab-takoor?

Image

LONDON, UK – Tukaan ku yaalla magaala madaxda dalka Ingiriiska oo iibiya macmacaanka ayaa lagu eedeeyay heeb-sooc kadib markii uu saarey saddex shukulaato uu magacyo u kala bixiyay.

Shukulaatada oo lagu magacaabo "Waitrose Trio of Chocolate Easter Ducklings" ayaa ka sameysan caano iyo nooc madow oo kamid ah Shukulaatada.

Magacyada loo kala bixiyay ayaa ah Dheecaan, Qaleel iyo Fool-xumo, taasi oo ay ka caroodeen dad badan oo ku xiran bakhaarka Waitrose.

Dadka naqdiyay wax soo saarkaan ayaa su’aal ka keenay sababta shukulaatada madow loogu bixiyay Fool-xumo.

"Haweenay waan waxba garan ayaa oraneysa 'tan ma ahan mid aanan sax ahan' waana ku raacsanahay, uma muuqato wax sax ah," ayuu qof kamida.

Tukaanka Waitrose oo ka fal-celiyay arrinkaan ayaa raali buuxda ka bixiyay, waxaana gebi ahaanba uu badeecadiisa ka saarey Shukulaatadaasi.

"Waan ka qoomameynaynaa ... waxaana dib ugu soo celin doonaa suuqa kadib marka aan badalno," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Tukaanka oo warbaahinta loo diray.

Sheekaddaan ayaa hadal-heynteeda todobaadyadii u dambeeyay qabsatay baraha bulshadda gaar ahaan Twitter-ka, iyada oo dadku qaarkii ay ku tilmaameen mid loogu gafayo dadka madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM