Siria: ​Xabad joojin laga hirgalinayo

Image

Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah waddamada lugta kuleh siyaasadda dalka Siria, waxay sheegeen in dalkaasi laga hirgalinayo xasilooni iyo xabad joojin waarta oo ka dhaqan-gasha guud ahaan dalka, balse si arrintaasi u hirgasho waxay codsadeen in la siiyo Todobaad. 

Talaabadan, waxaa ku dhawaaqay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in guul laga gaari karo xaaladda cakiran ee waddankaas. 

Balse Ruushka ayaa isagu sheegay inuu sii wadayo duqaymaha uu ku hayo goobo khaas ah oo ay ku sugan yihiin jabhadaha qaar. Muhiimadda laga leeyahay xabad joojinta, ayaa lagu sheegay cabsi ku aadan xaaladda dadka shacabka ah ee ku dhaqan Siria, gaar ahaan magaaladda Xalab. 

Madaxweynaha talada waddankaasi haya, Bashar al-Assad oo ka hadlay go'aanka ay qateen dalalka lugta kula jira siyaasadda Siria, ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn xabbad joojin mudada lagu jiro wada-hadalka nabadda. 

Wuxuu wacad ku marey in dalka oo dhan dib u wada qabsan doonaan muddo sanad gudaheed ah, laakiin wuxuu cabsi ka muujiyey in dalalka Turkiga iyo Sucuudigu inay qaadaan tallaabo millateri. 

Colaada dalka Siria, waxaa ku lug leh dhowr wadan oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda, waxaana arrintaasi keentay inay laga soo dayriyo xaaladda dadka ku nool gobollada qaybtood, kuwaas oo ay soo food saartay xaalad bini'aadanimo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM