Goobaha taariikhiga ah ee Palmyra oo la burburiyey

Image

24 August, 2015 (BBC)-Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa waxa ay burburisay macbad taariikhi ah oo ku yaal magaalada Palmyra oo lagu magacaabo Baalshamin.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa la wareegtay magaalada Palmyra bishii May ee sanadkan, arrintaasi oo sare u qaadday cabsida laga qabay in kooxdani ay burburiso mid ka mid ah xarumaha ugu waa weyn aathaartii hore ee dunida.

Kooxdani ayaa waxa ay horay u burburisay gooba badan oo qadiimi ah oo ku yaal gudaha dalkaasi Ciraaq.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa waxa ay burburisay macbad taariikhi ah oo ku yaal magaalada Palmyra oo lagu magacaabo Baalshamin.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa la wareegtay magaalada Palmyra bishii May ee sanadkan, arrintaasi oo sare u qaadday cabsida laga qabay in kooxdani ay burburiso mid ka mid ah xarumaha ugu waa weyn aathaartii hore ee dunida.

Kooxdani ayaa waxa ay horay u burburisay gooba badan oo qadiimi ah oo ku yaal gudaha dalkaasi Ciraaq.

Dadka deegaanka oo isaga carraray magaaladaasi ayaa sidoo kale sheegaya in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay walxa qarxa ku rakibeen macbadka, inkastoo ay arrintaasi sameeyeen bil ka hor, sida laga soo xigtay, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya.

Magaalada Palmyra ayaa caan ku ah goobaha taariikhiga ah ee Giriigga iyo Romaniyiinta.

Macbadkan haatan la burburiyay ayaa waxaa la dhisay 2000 oo sano ka hor.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Dowladda Islaamiga ah waxa ay soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahanadooda oo burburinaya waxa ay ku tilmaameen waxyaabo qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaalada Palmyra.

Tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadeen dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kaddib markii ay kooxdu dishay nin muddo afartan sano ka badan ka soo shaqeynayay goobaha qadiimiga ah ee magaalada Palmyra.

Xigaaho:BBC

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM