Siyaasi isku dayey in uu gubo Masjid oo shaaciyey sababta ku kaliftay

Image

PARIS, France – Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa ka fekeraya xukunka lagu ridi doono siyaasi qirtay in uu isku dayey in uu gubo Masjid.

Claude Sinké, oo 84-sano jir ah, ayaa wuxuu falkan sameeyay galabnimadii Isniintii todobaadkan kahor inta uusan u gacan-gelin booliska.

Hay'addaha Nabad-gelyadda ayaa qabtay shaqsigan oo rasaas uu Masjidka ku furay ay ku dhaawacmeen laba Muslimiin cibaadeysaneysay.

Bukaanadda oo Isbitaal loola cararay ayaa haatan ah kuwa bad-qaba, waxayna kasoo kabanayaan nabaradda kasoo gaarey falkan.

Sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah, Sinké ayaa falkan ugu dhaqaaqay si uu ugu aar-gudo kaniisadii April ku gubatay Paris.

Gubashadda kaniisadda Notre Dame Cathedral ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Muslimiinta, wallow uusan soo bandhigin caddeymo.

Masjidka uu isku dayey in uu dabka qabad siiyo ayaa ku yaala magaaladda Bayonne oo ku taala Koonfur Galbeed ee dalka Faransiiska.

Sikastaba, Claude Sinké, oo caan ka ah qayb kamid ah France, ayaa horey wuxuu murashax ugu soo noqday xisbiga xagjirka ah ee National Front.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM