Siyaasiyiin can ah lagu dal-dalay Bangladesh

Image

22 November, 2015(GO)-Dowladda dalka Bangladesh, ayaa dil ku fulisay labo ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka dalkaasi oo loo haystay inay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaanida kaga qaadanayay Pakistan 1971.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Salahuddin Quader Chowdhury, oo  ahaa siyaasi caan ah oo lix jeer loo doortay baarlamaanka dalkaasi iyo Cali Axsan Maxamed Mujahid, oo xubin sare ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Bangladesh ugu weyn, Jamaacatul Islami.

Dal-dalaada xubnahaasi ka dib dowladda ayaa adkaysay ammaanka dalkeeda, iyadoo ka cabsi qabtay inay ka dhalato caro iyo rabshado ay sameeyaan dadweynaha Bangladesh.

Arrintan oo dadka qaybtood ku tilmaameen mid laga lahaa dano siyaasadeed ayaa Ra’iisul wasaaraha Bangladesh, Sheekh Hasina, ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin arrinkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM