Somaliland: Halkee marayaa khilaafkii u dhexeeyey xisbiga Kulmiye?

Image

13 NOV, 2015 (GO)- Kadib markii golaha dhexe ee Kulmiye u doorteen musharaxa doorashada madaxweynaha Somaliland ee la filayo iney dhacdo 28 March 2017 Mudane Muuse Biixi 10 Nov, 2015 ayaa xubnihii hore ee xisbiga waxey bilaabeen kulamo siyaasdeed.

Xubnihii ka tirsanaa xisbiga Kulmiye islamarkaana baneeyey xilalka wasiirnimo ee Somaliland ayaa bilaabey kulamo gaar ah ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda xisbiyada kale ee mucaaradka ah.

Garowe online ayaa fahansan in wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ku wajahan yahay magaalada Burco halkaas oo ay ku xoog badan yihiin tageerayaasha madaxweyne Silaanyo iyo xisbiga Kulmiye.

Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa la filayaa inuu halkaas kulmo la qaato tageeryaasha xisbiga Kulmiye isaga oo u sharaxi doono sababaha uu xilka uga tagey. Tageerayasha xisbiga Kulmiye ayaa hadal hayey asbuucyadii ugu dambeeyey in wasiirki hore madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji uu madaxweynaha Somaliland ka tagey xilli xasaasi ah kadib markii uu lasoo shaqeynayey muddo 5 sano ka badan.

Dhinaca kale waxaa jira kulamo u socda xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee ka baxey golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaraadka ah ee  UCID iyo WADANI.

Waxaa jira warar sheegaya in xubnahaas doonayaan iney xoojiyaan xisbiga UCID doorashada soo socota ee Somaliland iyaga oo raadinaya in musharaxnimada madaxweynaha la siiyo mid kamid ah wasiirada ugu tageerada badanaa xisbiga Kulmiye.

Xisbiga UCID ayaa waxaa musharaxa doorashada madaxweynaha Somaliland u ah Jamal Cali Xuseen oo ka soo jeeda beelaha inta badan tagaeersan Kulmiye iyo gudoomiyaha xisbigaas Muse Biixi.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweynaha Somaliland ayaa la rumeysan yahay in ay hortaalo howl balaaran oo uu ku raadinayo in xisbigiisa laga kexeysan tageerayaasha ay la wadaagaan saxiibadiisii hore ee u baneeyey golaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM