Somaliland: Musharaxiin diiday shirka xisbiga Kulmiye

Image

2 Nov, 2015 (GO)- Saddex musharax oo ka mid ah musharraxiinta ku tartamaya jagada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa sheegay inaysan ka qeyb gali doonin shirka golaha dhexe ee xisbiga ee dhacaya bishan

Musharraxiintan oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo maanta kulan qado ah isugu yeedhay taageerayaashooda ayaa sheegay in kulanka xisbiga uu afduuban yahay.

Waxa ay sidoo kale ku gacan saydheen guddi uu xalay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay inay xal u raadiyaan murankan xisbiga ka dhex aloolsan.

Guddigaas oo shan xubnood ka kooban ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in howshooda ay noqon doonto inay baaraan oo ay kadibna xaliyaan waxyaabaha khilaafka xisbiga Kulmiye dhaliyey.

Saddexdan musharrax ayaa magaalada Hargeysa ugu warramay weriyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Xigasho: VOA

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM