Somaliland: Musharaxiin diiday shirka xisbiga Kulmiye

Image

2 Nov, 2015 (GO)- Saddex musharax oo ka mid ah musharraxiinta ku tartamaya jagada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa sheegay inaysan ka qeyb gali doonin shirka golaha dhexe ee xisbiga ee dhacaya bishan

Musharraxiintan oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo maanta kulan qado ah isugu yeedhay taageerayaashooda ayaa sheegay in kulanka xisbiga uu afduuban yahay.

Waxa ay sidoo kale ku gacan saydheen guddi uu xalay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay inay xal u raadiyaan murankan xisbiga ka dhex aloolsan.

Guddigaas oo shan xubnood ka kooban ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in howshooda ay noqon doonto inay baaraan oo ay kadibna xaliyaan waxyaabaha khilaafka xisbiga Kulmiye dhaliyey.

Saddexdan musharrax ayaa magaalada Hargeysa ugu warramay weriyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Xigasho: VOA

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM