Somaliland: Sarkaal la dilay iyo mid la dhaawacay

Image

11 August,2015(VOA)- Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Milatariga Somaliland, ayaa midna lagu dilay, halka mid kalena si xun loogu dhaawacay weerar maanta ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in askari xidigle ahaa uu weerarka ku dilay xidigle Faarax Caraale, islamarkaana uu ku dhaawacay gaashaanle sare Xasan Cagle Cali, oo ahaa taliyaha aaga galbeed ee ciidamada Milatariga Somaliland.

Sida uu xaqiijiyey guddoomiye Maxamuud, xaaladda gaashaanla sare Xasan, ayaa ah mid aad u liidata, ayada oo dhaawaca uu qabo u yahay mid halis ah.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta askarigan ku qasabaty falkii dhimashada lahaa ee uu maanta ka geystay magaalada Booraama.

Falalka noocan ah, ayaa dhowaanahan kusoo badanayey deegaannada Somaliland, waxaana ugu dambeysay bishii June ee sanadkan oo sidan oo kale askari ka tirsan ciidanka Somaliland uu halkaas ku dilay gaashaanle ka tirsanaa ciidanka.

Xigasho:VOA

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM