Soomaali ku dhimatay dab qabsaday daar ku taala Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Shan ruux ayaa ku geeriyootay tirro kelana waxaa la dhigay Isbitaal markii dab uu qabsaday daar ku taala Cedar-Riverside, magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Ma cadda sababta keentay dabka ka kacay dhismaha oo ah mid aad u dheer. Balse, kuwa kale oo horey uga kacay magaaladda waxaa keenay Gaas.

Baaritaan ay fulinayaan hay’adda ku shaqadda leh ayaa waxaa ku socda sababta dhalisay in uu yimaado dabka.

Dadka dhintay waxaa ku jira Soomaali, iyadda oo ay qayb ka tahay haweenay. Maamada waxaa la sheegay in ay saarneyd dabaqa 14aad.

Dadka laga soo badbaadiyey musiibadda ayaa daboolka ka qaadey in gaadiidka dab-damiska ay kasoo daaheen meesha ay wax ka dhaceen, taas oo dhalisay in khasaaraha uu intaas gaaro.

Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan xeer-dejinta Minneapolis, oo ah meel ay Soomaalidu aad ugu badan tahay, ayaa sheegay in dabka uu soo laab-laabtey ayna wax ka qaban doonan.

Jacob Frey, duqa magaaladda, ayaa tacsi u diray dhamaan eheladda dadka ku naf-waayey dhacdadan aadka xanuunka badan, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

Dhacdooyinka la xiriira dabka ayaa aad ugu soo badanaya dunida sanadihii lasoo dhaafay, waxaana seynisyahanadda ay u aaneenayaan isbedelka baaxadda leh eek u dhacaya cimiladda aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM