Soomaali ku hor-banaanbaxdey saldhig boolis gudaha Talyaaniga

Image
Image
Image

ROMA, Italy – Labaatan [20] ruux oo Soomaali ah ayaa aroornimadii Talaadada maanta ah waxay isu soo bax kooban ka hor-sameeyeen afaafka saldhig boolis oo ku yaala aaga Cernaia ee Roma, caasimadda wadanka Talyaaniga.

Wargeyska Lastampa ayaa wariyey in cabashada muwaadiniintan ay tahay in aan loo cusbooneysiin dukumiintiyadii socdaalka kuwaasoo bediil ugu ahaa baasaboorka muhiimna u ah in ay Yurub u dhaqaaqaan.

"Waxaa naloo sheegay in aan waydiisano safaaradda, balse kama aanan helin muddo sanad ah," ayuu yiri qof kamid ah dibad-baxayaasha.

Qaar kamid ah wadamada waqoyga qaarada Yurub, dukumiintiyada ay goobayaan shaqsiyaadka waa daruuri qofkii aan wadana waa la tarxiilaa.

Tabashooyinkan ayaan ahayn mid ku kooban Soomaalida. Maalmo kahor, waxaa saldhigyadda booliska tegay ajaaniib qaar Afganistan u dhashay.

Qaxootiga mudada badan joogay dalalka caalamka ayaa kamid ah dadyowga la siiyo dukumiintiyada socdaalka inta ay ka helayaan dhalashada iyo baasaboorka.

Dowlada Talyaaniga ayaa kaliya dukumiintiyada socdaalka waxay siisaa muwaadiniinta aan wadamadooda safaaradaha ku lahayn dalkaas, qaarka ku leh waxaa lagu xiraa shuruuda adag iyo in ay la yimaadaan sababo lagu qanci karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM