Soomaali ku jira 175 lagu dilay weerarada cadaanka xagjirka ah

Image

TROLLHÄTTAN, Sweden – Dunida gaar ahaan wadamada reer Galbeedka waxaa sanadihii u dambeeyay aad ugu soo kordhayey weerarada ay geysanayaan shaqsiyaadka cadaanka ee xagjirka ah.

Xubnahaasi oo aaminsan in dadka madow, Muslimiinta ama qaxootiga ay kusoo duuleen dalalkooda ayaa waxay beegsadaam goobaha ay ku sugan yihiin sida xarumaha waxbarashada iyo Masaajida.

Falkii ugu dambeeyay oo ay geystaan ayaa waxa uu ka dhacay gobolada Taxes iyo Ohio ee waddanka Mareykanka, iyadda oo ku dilay ku dhowaad 30 ruux oo badankooda ah dad soogalooti ahaa.

Horaantii sanadkan, laba Masjid oo ku taala dalka New Zealand ayaa lagu xasuuqay ku dhowaad 60 oo ruux oo Muslimiin ah, waxaana ku dhaawacmeen in ka badan tiradaasi.

Sidda ku xusan xog uruurin ay sameysay majaladda The Guardian, Sideedii sano ee lasoo dhaafay, dhacdooyinka ay ku lug-yeeshan dadkaasi ayaa waxaa ku naf-waysay 175 ruux oo uu ku jiro wiil Soomaali ah.

Bishii October sanadkii 2015 ayay ahayd markii Axmed Xasan uu ku geeriyooday weerar uu nin cadaan ah ku qaadey dugsi sarre oo kamid ahaa marxuumka ardaydii dhiganeysay oo badankooda muhaajiriin ah.

Musiibadan oo laga soo wariyay magaaladda Trollhättan ee waddanka Sweden ayuu taliska Booliska shaaca ka qaaday in lagu khaarijiyey laba arday oo uu Axmed ku jiro iyo macalinkooda.

Axmed, oo 15-jir ahaa, ayaa ku dhashay waddankiisa hooyo ee Soomaaliya, kaasi oo isaga iyo reerkiisa ay kaga carareen colaadaha sokeeye ee haatan uu kasoo kabanayo, wuxuuna Sweden tagey sanado kahor geeridiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM