Soomaali ku jira dad ku dhintay doon ku qalibmatay xeebaha Liibiya

Image

TRIPOLI, Libya – Shaqsi Soomaali ah balse aanan wali magaciisa iyo muuqaalkiisa la helin ayaa kamid noqday ugu yaraan shan ruux oo ku geeriyootay doon ku degtay xeebaha waddanka Liibiya, Talaadadii.

Doontan oo siday tahriibeyaal ayaa waxaa laga soo badbaadiyey 65, iyadda oo la la'yahay tobananaan kale, sidda ay sheegeen mas’uuliyiinta oo rajo ka muujiyey in lasoo heli doono tiradda kale.

Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya oo xaqiijisay geerida muwaadinkan ayaa tilmaamtay in ay ka shaqeynayso sidii meydka loogu soo wareejin lahaa, isla markaana loo aasi lahaa.

Dalka ay colaaduhu la dageen ee Liibiya ayaa noqday marinka ugu badan oo ay adeegsadeen Afrikaan magan-galyo doonka ah ee nafsadooda ku biimeynaya badda iyaga oo kusii jeeda Yurub.

Dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira kuwa ay Bariga iyo Badda kula kulmaan ayaa lasoo wariyaa inta ay safarkaasi silica badan ku guda jiraan.

Haweenka oo ah kuwa ugu nugul inta lagu guda jiro socdaalkaasi oo aanan la hubin in aad ka bixin doonto hadii bad-qaba ayaa la sheegaa in ay la kulmaan tacadiyo dhanka jirka ah.

Dowladaha wadamada ay kasoo jeeda dadkan oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa sheegay in dhalinyaraddu ay yihiin kuwa ugu badan ee tahriibaya, wallow ay ku guuldareysteen in ay xakameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM