Soomaalida ka baxsatay Ukraine oo fursad ka helay Hungary

Image
Fursadahan dahabiga ah ayaa ka dambeysay markii wadahadalo ay yeesheen labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay dhigiisa Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Hungary.

Cabdisaciid Muuse Cali ayaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, wuxuu Péter Szijjártó ka dalbaday in arday Soomaaliyeed ee ka soo barakacday Ukraine la siiyo fursado waxbarasho.

Wasiir Cabdisaciid oo Arbacadii wada hadalka kadib qoraal soo saaray yiri "Waxaa ii farxad ah inaan la hadlo Mudane Péter Szijjártó, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary oo ii damaanad qaaday in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u hakatay qalalaasaha Ukraine la siin doono fursado waxbarashadooda ay uga sii wataan Jaamacadaha Hungary iyo deganaansho".

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay "waxa aan ku heshiinnay in si dhow ula socodsiiyo Wasiir Péter Szijjártó xaaladda ardayda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee la xiriira.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Waxa aan hiigsanaynaa inaan sare u qaadno , qota-dheereyno iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hungary".

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Shaqaale iyo arday Afrikaan ah oo doonayay in ay ka baxsadaan dalka Ukraine oo wajahaya duullaanka Ruushka lagu xanibay basaska, tareennada iyo goobaha xuduudaha laga galo iyadoo mudnaanta la siinayo muwaadiniinta u dhashay Ukraine.

Weriye-yaal ku sugan galbeedka Ukraine ayaa sheegaya in mudnaanta la siinayo dadka reer Ukraine, balse uusan arkin cadeymo muujinaya in dadka Afrikaanka ah loola dhaqmo si ka duwan ajaaniibta kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM