​Sucuudiga oo 15 qof Shiico ah dil ku xukumay

Image

RIYAAD, Sacuudiga- Boqortooyada waddanka Sacuudiga ayaa maxkamad soo taagtay in kabadan 30 qof oo la sheegay inay basaasiin u ahaayeen dowlladda Iran, iyagoo uga waramayay goobaha Miletariga dalkaas.

Eedaysanayaashaas 15 kamid ahaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana la sheegay inay kasoo jeedaan gobolka Bariga dhaca ee ay Shiicaada Sucuudigu ku badantahay.

Sida dacwad oogayaashu sheegeen dadka la xukumay ayaa xogaha muhiimka ah siinayay Sirdoonka Iran.

Labada waddan Iran iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiriirkoodu xumaa, waxaana xukuumadda Riyaad xiriirkii diblomaasiyadeed Tehran u jarta kadib markii la weeraray safaaradooda dalkaas, xill ay dal-daleen waddaad caan ah oo Shiicada Sucuudiga kamid ahaa kaasoo lagu magacaabi jiray Nimir al-Nimir.

Xukunaas waxaa kahoryimd dadka Shiicada ah ee ku sugan Sacuudiga, waxayna xaq-darro ku tilmaameen xukunka dadkaasi lagu riday.

Shiicada Sacuudiga ayaa lagu qiyaasa 10-15%, waxayna dad badan sheegaan in la takooro dhinacyada waxbarashada, cadaalada, shaqooyinka iyo xoriyada diinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM