​Sucuudiga oo 15 qof Shiico ah dil ku xukumay

Image

RIYAAD, Sacuudiga- Boqortooyada waddanka Sacuudiga ayaa maxkamad soo taagtay in kabadan 30 qof oo la sheegay inay basaasiin u ahaayeen dowlladda Iran, iyagoo uga waramayay goobaha Miletariga dalkaas.

Eedaysanayaashaas 15 kamid ahaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana la sheegay inay kasoo jeedaan gobolka Bariga dhaca ee ay Shiicaada Sucuudigu ku badantahay.

Sida dacwad oogayaashu sheegeen dadka la xukumay ayaa xogaha muhiimka ah siinayay Sirdoonka Iran.

Labada waddan Iran iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiriirkoodu xumaa, waxaana xukuumadda Riyaad xiriirkii diblomaasiyadeed Tehran u jarta kadib markii la weeraray safaaradooda dalkaas, xill ay dal-daleen waddaad caan ah oo Shiicada Sucuudiga kamid ahaa kaasoo lagu magacaabi jiray Nimir al-Nimir.

Xukunaas waxaa kahoryimd dadka Shiicada ah ee ku sugan Sacuudiga, waxayna xaq-darro ku tilmaameen xukunka dadkaasi lagu riday.

Shiicada Sacuudiga ayaa lagu qiyaasa 10-15%, waxayna dad badan sheegaan in la takooro dhinacyada waxbarashada, cadaalada, shaqooyinka iyo xoriyada diinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM