Sudan: Al-Bashiir oo ka hadlay waqtiga uu xilka ka dagayo

Image

KHARTUUM-Cumar Xasan Al-Bashiir-ka Suudaan ayaa ka hadlay waqtiga uu banaynayo jagada madaxtinimo waddankaasi xilli ay aad u raadinayso maxkamadda Caamaliga ah ee dambiyada.

Wuxuu sheegay isagoo waraysi khaas ah siiyay BBCda inuu xilka isaga tagayo marka la gaarayo 2020 isagoo meesha ka saaray inay jiraan eedaha loo haysto, wuxuuna ka hadlay nabad ilaaliyasha Qaramada Midoobay ee dalkaasi ku sugan oo xusay inaysan jirin sabab u sii joogaan ciidamadan iyo kooxaha gar-gaarka shisheeye.

Cumar ayaa tilmaamay in waddanka Suudaan uu yahay waddan madax banaan islamarkaana wixii amnigooda khuseeya ku jirto gacanta shacabka dalkaasi.

Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddi weyn ka gaystay waddankaasi isagoo lagu soo oogay dhibaatadii ka dhacday gobolka Darfuur oo in ka badan 2.5 milyan ku barakaceen tiro badanna ku dhinteen.

Waxaa sidoo uu ku eedaysanyahay waxyeelladii dhacay laga soo bilaabo 2003 kuwaasi oo isugu jira; dulal, barakicin iyo kufsi ciidamada waddankaasi ku kaceen.

Sannadkan oo kaliya in ka badan 100 kun oo ruux ayaa ku barakacay dhibaatada ka jirta waddanka Suudaan.

Dhawr jeer oo looga yeeray The Heuge  wuu ka dhaga adaygay, wuxuuna sheegay inaysan ahayn maxkamad caadil ah oo caalamka dhan u dhaxaysa balse lagu xukmiyo dadka Madowga ah oo kaliya.

Wareysi gaar ah oo uu BBCda siiyay, ayuu Mr Bashiir ku diiday eedaha ah in ciidammada Suudaan ay tacaddiyo ku gaysteen colaadda sanadkan ka soo cusboonaatay Daanfuur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM